Muqdisho: Guddoomiyaha Guddiga Qaranka Shaqaalaha Rayidka Dowladda Soomaaliya, Mudane Xasan Abshirow Maxamed, ayaa Shaqaalaha Rayidka iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed, ugu hambalyeeyay xuska sannad-guurada 64-aad, ee ka soo wareegtay markii ay xoroobeen Gobollada Koonfureed iyo israacii labada gobol ee dalka, taasoo asaas u noqotay curashada Jamhuuriyadda Soomaaliya 1-dii Luuliyo 1960. Guddoomiyaha ayaa xusay in xorriyadda dalka laga soo maray halgan dheer oo ay ku baxeen naf iyo maal ay quureen gabdho iyo wiilal Soomaaliyeed oo xornimodoon ahaa, isla markaana jiilka maanta jooga looga baahanyahay ilaalinta heybadda Qaranka, si ummadda Soomaaliyeed ugu noolaato nabad iyo baraare. “Maalintan qiimaha badan ee 1da Luuliyo oo ku beegan 64 guuradii xornimada iyo midnimada ummaddeenna, waxay astaan u tahay midnimada iyo wadajirka Shacabkeena, waa maalintii ay dadkeennu xaqiijiyeen Jamhuuriyad Soomaaliyeed oo madax-bannaan”. Ayuu yiri Guddoomiye Abshirow Guddoomiye Abshirow ayaa sidoo kale sheegay in dareenka midnimo iyo wadajireed uu ku dhex noolyahay quluubta guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, meel walba oo caalamka ay joogaan. Isagoo u rajeeyay Shacabka Soomaaliyeed in Allaah (SWT) sanad guurada soo socota nagu gaarsiiyo nabad, horumar iyo midnimo.”Dhamaad. ________________________________________ Xafiiska Xiriirka Dadwaynaha Ee Guddiga Qaranka Ee Shaqaalaha Rayidka Dowladda Soomaaliya. Website: ncsc.gov.so E-mail: [email protected]