Muqdisho- 02 December,2024: Guddoomiyaha Guddiga Qaranka Shaqaalaha Rayidka Dowladda Soomaaliya, Mudane Xasan Abshirow Maxamed, oo ay wehliyaan xubno ka tirsan Guddiga, ayaa maanta kulan muhiim ah ku yeeshay xarunta Guddiga isaga iyo Agaasimaha Hay’adda Horumarinta Kalmooyinka ee Turkiga (TIKA), Mudane Zafer Eski. Kulanka ayaa xooga lagu saaray dib u eegista iyo qiimeynta waxyaabihii ka qabsoomay kulamadii hore ee dhexmaray Guddiga Qaranka Shaqaalaha Rayidka iyo Hay’adda TIKA. Waxaa sidoo kale laga wada hadlay sidii labada dhinac ay uga shaqayn lahaayeen horumarinta shaqaalaha rayidka ah ee Soomaaliya, iyadoo la adkeeyay muhiimadda ay leedahay tayaynta hawl-wadeennada Guddiga iyo guud ahaan shaqaalaha Dowladda. Kadib kulanka, Guddoomiye Xasan Abshirow iyo Agaasimaha TIKA ayaa si wadajir ah u booqday dhammaan xafiisyada Guddiga Qaranka Shaqaalaha, iyagoo indha-indheeyay habsami u socodka howlaha maalinlaha ah ee shaqaalaha. Guddoomiyaha ayaa ku dhiirrigeliyay shaqaalaha inay sii xoojiyaan dadaalkooda, iyadoo lagu bixinayo fursado tababar iyo qalabeyn sare oo lagu horumarinayo xirfadahooda shaqo. Guddoomiye Xasan Abshirow ayaa uga mahadceliyay Hay’adda TIKA taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya, isagoo hoosta ka xarriiqay in shacabka Soomaaliyeed aysan waligood hilmaami doonin taageerada walaalnimo ee ay ka heleen Turkiga. Wuxuu sidoo kale tilmaamay in horumarinta shaqaalaha rayidka ahi ay tahay tiir muhiim u ah kobcinta adeegyada dowladda iyo adeegyada bulshada. Dhanka kale, Mudane Zafer Eski ayaa sheegay in Hay’adda TIKA, oo kaashanaysa hay’adaha barnaamijyada horumarinta ee Turkiga, ay mar walba garab taagantahay Soomaaliya. Wuxuu xusay in TIKA ay dalka ka hirgalisay mashaariic wax ku ool ah oo lagu taageerayo bulshada Soomaaliyeed, oo ay ku jirto tababarka shaqaalaha iyo horumarinta agabka farsamada ee hay’adaha dowladda. Hay’adda TIKA ayaa kamid ah hay’adaha hormuudka ka ah howlaha horumarinta ee Turkiga ka wado Soomaaliya tan iyo sanadkii 2011, xilli macluul daran uu dalka ka jiray, taasoo bilow u noqotay xiriirkii taageero ee qotada dheer. Sidoo kale, TIKA ayaa ballan qaaday inay sii wadi doonto taageerada ku aaddan tayaynta hawl-wadeennada guddiga iyo horumarinta shaqaalaha rayidka ah ee Soomaaliyeed. DHAMAAD __________________________________ Xafiiska Xiriirka Dadwaynaha Ee Guddiga Qaranka Ee Shaqaalaha Rayidka Dowladda Soomaaliya. Website: ncsc.gov.so E-mail: [email protected]