Muqdisho-11-Aug-2024: Guddiga Qaranka Shaqaalaha Dowladda Soomaaliya oo uu hogaaminayay Guddomiye Xasan Abshirow ayaa manta la kulmay Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada ee Golaha Shacabka BJFS. Guddiga Qaranka Shaqaalaha Rayidka oo ka jawaabaya dalab ka yimid, Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada ee Golaha Shacabka ee Barlamaanka JFS, ayaa maanta hortagay si wax looga weydiiyo, xaaladda guud ee Shaqaalaha Dowladda Soomaliya, marxaladaha ay ku shaqeeyaan iyo sidoo kale caqabadaha ku horgudban ka guddi ahaan. Kulankaan sua’aal weydiinta ee Guddiga Qaranka Shaqaalaha Rayidka Dowladda ayaa waxaa shir guddoominaayay Guddomyaha Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada ee Golaha Shabka BJFS Marwo Xildhibaan Nadra Saalax Cabdi Ugu horeyn; Guddoomiyaha Guddiga Qaranka Shaqaalaha Rayidka Dowladda Mudane Xasan Abshirow Maxame, ayaa warbixin guud ka siiyay Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, xaalada Guud ay ku sugan yihiin shaqaalaha rayidka Dowladda Soomaaliyeed iyo horumarada laga sameeyay arrimaha maamulka iyo maareynta shaqaalaha, cabaqadaha jira, iyo soojeedinno. Dhanka kale, Xubnaha Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada ee Golaha Shabka ee BJFS ayaa su’aalo weydiiyay xubninii Guddiga Qaranka shaqaalaha Rayidka, oo ku saabsanaa arrimaha tirokoobyadii shaqaalaha rayidka, ilaalinta xuquuqda shaqaalaha, qorshaha Guddiga ee 2024, shaqaalaha kumeelgaarka iyo arrima quseeya maamulka iyo maareynta shaqaalaha rayidka. Ugu danbeyn; Xildhibaan Gudoomiye Nadra Saalax Cabdi ayaa uga mahadcelisay Guddiga Qaranka Shaqaalaha Rayidka Dowladda, sida wanaagsan ee ay uga warbixiyeen xaaladaha Guud ee ay sugan yihiin Shaqaalaha Rayidka Dowladda Soomaaliyeed, ayadoo sheegtay inay si wanaagsan u wada shaqeyn doonaan xoojina doonaan ka warqabka la socodka Arimaha Shaqaalaha Soomaaliyeed ka guddi ahaana Mas’uuliyiinta Gaar ah iska saari doonaan guud ahaan Arimaha Shaqaalaha iyo sharciyadooda. Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka oo kor u qaadaya hufnaanta iyo islaxisaabtanka ayaa sanadkasta warbixin ka siiyo Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada ee Golaha Shacabka BJFS arrimaha maamulka iyo maareynta shaqaalaha. Dhamaad ________________________________________ Xafiiska Xiriirka Dadwaynaha Ee Guddiga Qaranka Ee Shaqaalaha Rayidka Dowladda Soomaaliya. Website: ncsc.gov.so E-mail: [email protected]