Muqdisho, 16 December, 2024 – Guddiga Qaranka Shaqaalaha Rayidka ayaa tababar u qabtay Waaxaha Shaqaalaha ee Hay’addaha Dowladda Federaalka Soomaaliya kaa oo lagu qabtay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayna ka soo qeybgaleen Agaasimeyaasha iyo Madax Qeybeedyada Waaxyaha Shaqaalaha ee Hay’adaha Dowladda ayaa waxa si rasmi ah u furay Guddoomiyaha Guddiga Qaranka Shaqaalaha Mudane Xasan Abshirow Maxamed iyo Kuxigeenka Xoghayaha Joogtada ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Mudane Cabdirisaaq Cali Ibraahim.
Ujeedka tababarkan ayaa ahaa in Agaasimeyaasha Waaxyaha Shaqaalaha ee Hay’adaha Dowladda lagu tababaro; Waajibaadka & Masuuliyadaha Waaxyaha Shaqaalaha, Diyaarinta Shaqo qeexayaalka , Qorshe-howleedayada iyo sidoo kale Qiimeynta Howl-gudashada Shaqaalaha Dowladda.
Tababarka ka dib, Guddoomiyaha iyo Agaasimaha Guud ee Guddiga ayaa masuuliyiinta tababarka ka soo qeyb gashay uga jawaabay su’aalihii ay qabeen, waxana hoosta laga xarriiqay in ay muhiim tahay in la dhaqangeliyo waxyabahii lagu soo bandhigay tababarka, agaasimeyaashana ay tababarradan iyo fahamka howlahaan aay u daadajiyaan hay’adaha ay ka kala yimaadeen. Tababarkan ayaa kamid ah dadaallada joogtada ah ee lagu horumarinayo maamulka shaqaalaha rayidka ah, iyadoo xoogga la saarayo tayeynta qorshe-howleedka iyo hirgelinta habraacyo qiimeyn hufan oo waxqabadka kor u qaada, si loo helo adeeg bixin hufan loona gaaro hiigsiga Qaranka.
Dhamaad. ________________________________________ Xafiiska Xiriirka Dadwaynaha Ee Guddiga Qaranka Ee Shaqaalaha Rayidka Dowladda Soomaaliya. Website: ncsc.gov.so E-mail: [email protected]