Muqdisho- Guddoomiyaha Guddiga Qaranka Shaqaalaha Rayidka Dowladda Soomaaliya, Mudane Xasan Abshirow Maxamed ayaa maanta ka qeybgalay, shirka koowaad ee Madasha Heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed Ee Dib-u-habeynta Maamulka Dadweynaha, kaa oo socon doono muddo labo maalmood ah. Shirkan oo ay kasoo qeyb-galeen dhammaan Wasiirada Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda federaalka ,Guddiyada Shaqaalaha Dowladda ee labada heer , Agaasimayasha Guud ee Wasaaradaha Shaqada ee labada heer, ayaa waxaa daahfuray Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr Maxamed Cilmi Ibraahim. Guddomiye Guddiga Qaranka Shaqaalaha Rayidka Dowladd, Mudane Xasan Abshirow oo hadal ka jeediyay madasha, ayaa ku nuuxnuuxsaday muhimadda uu u leeyahay shirkan maamulka iyo maareynta arrimaha Shaqaalaha Rayidka Dowladda iyo horumarintooda, isagoo tilmaamay in guul weyn ay tahay in labada heer ee dowladda ay iska kaashadaan dib u habeeynta arrimaha maamulka dadweynaha, gaar ahaan arrimaha shaqaalaha rayidka. Dhamaad. ________________________________________ Xafiiska Xiriirka Dadwaynaha Ee Guddiga Qaranka Ee Shaqaalaha Rayidka Dowladda Soomaaliya. Website: ncsc.gov.so E-mail: [email protected]